Somali / Soomaali

Caawinta ay Nollalinja iyo Guryaha ammaanku siiyaan dadka loo gaystay rabshadaha qoyska dhexdiisa ka dhaca

Adeegga Nollalinja iyo Guryaha ammaanka waa kuwo bilaa lacag ah oo loogu tala galay dadka loo gaystay ama ka cabsi qaba rabshadaha qoyska dhexdiisa ka dhaca. Waxa aad caawin ka dalban ilaa marka aad shaki oo keliya ka leedihid in aad adigu la kulantey ama gof kuu dhow  la kulmey rabshada qoyska.

Rabshadaha qoysaska dhexdooda ka dhaca, waxa ka mid ah, tusaale ahaan waxyeelaynta loo gaysto lamaanaha ama lamaanihii hore ama ilmaha ay hooyada/aabuha guurka kale ku dhaleen. Sidoo kale waxa ka mid ah waxyeelaynta ehelka, waalidka ama qaraabada kuu dhow. Rabshada haweenka loo gaysan karo waxa ay noqon kartaa hanjabaad ku saabsan qaab-galmeedka qofka. Tusaale ahaan in qofka lagu khasbo wax aanu doonayn oo xornimadiisa guriga ama tan dibada laga qaado.

Sidoo kale rabshadaha waxa loo arkaa, tusaale ahaan marka qofka la caayo ama xoog looga masayro.  Qofka oo la go’doomiyo , alaabo ama weel lagu tuuro ama alaabaha oo agtiisa lagu jajabiyo. Sidoo kale waa qalad in si joogta ah taleefanka looga soo waco oo loo hanjabo qofka. Rabshadaha dagaalka leh waxa ka mid ah feedhka, riixidda, ciijinta, gubidda ama laadka. Rabshada galmeed waxa ka mid ah, tusaale ahaan in qofka hoos loo dhigo oo qaab-galmeedkiisa wax laga sheego ama in galmo lagu khasbo ama la kufsado. Rabshadaha dhanka dhaqaalaha waxa ka mid ah, in tusaale ahaan qofka loo diido lacag uu raashin ku iibsado, in lagu khasbo in uu dayn aanu u baahnayn qaato, in lagu khasbo in uu lacag isticmaalo ama laga kontaroolo akoonkiisa bankiga oo lagana qaado kaarka bankiga.

Nollalinja

Taleefan lambarka Nollalinja waa 080 005 005.

Nollalinja waa taleefan lambar oo loogu talo galay in dumarka iyo maatidu la soo hadlaan, si loo caawiyo marka loo gaysto ama ay ka cabsi qabaan in lagu sameeyo rabshadaha qoyska dhexdiisa ka dhaca. Sidoo kale dadka qaraabada ah ee dhibkaa arkaya, way la soo hadli karaan taleefankan.

Nollalinja waxa uu:

  • furan yahay 24/7
  • Waa adeeg taleefan oo bilaa lacag ah.

Marka aad nala soo hadasho

  • waxa and naga heleysaa aaminaad buuxda. Shaqadayadu waxa ay ku salaysantahay aaminaad .
  • looma baahna in magacaaga iyo aqoonsigaaga la ogoodo.
    • Looma baahna in aad magacaaga sheegto.
    • Taleefanka lagama arkayo biilka taleefanka.
    • Taleefan lambarkaaga lagama arkayo meeshan Nollalinja.

Taleefankan Nollalinja waxa kaa qabanay oo ku qaabilaya dad khibrad leh oo u tobobaran xifradaha sooshalka iyo caafimaadka. Dadkan Nollalinja ee ku qaabilaya, si fiican ayey kuu dhagaysanayaan, way kula talinayaan oo way ku taageerayaan.

Turjumidda taleefanka

Nollalinja waxa uu ku siinayayaa turjubaan ku hadla luuqadahan: Ruush, Carabi, Farsi, Dari, Somali, Sooraan. Dadka taleefanka Nollalinja qabanayaa waxa ay ku hadlaan Finnish, Swiidhish iyo Ingiriisi

Marka aad u baahantahay in taleefan laguugu turjumo, Isla markiiba sheeg luuqadda aad ku hadasho ee laguugu turjumayo. Ku adkee oo ku soo cel celi luuqadaada, si ay shaqaalaha Nollalinja kuu fahmaan oo turjubaan kuugu dalbaan. Sug oo khadka ku jir, in ta laguu helayo turjubaanka. Waxay qaadan kartaa ugu badnaan 10 daqiiqo oo kaliya.

Turjumid taleefan iyo lambarka taleefanka oo aan la arkayn

Nollalinja ma arkayaan taleefanka aad ka soo hadlayso, markaa Nollalinja kuguma soo celin karaan taleefanka. Marka aad soo hadashana looma baahna in aad magacaaga u sheegto shaqaalaha Nollalinja iyo turjubaankaba.

Hadii aad u malaynayso, in aad turjubaanka taqaano, waad goyn kartaa taleefanka oo mar labaad ayaad Nollalinja soo garaaci kartaa. Qof kale oo turjubaan ah ayaa laguu raadinayaa.

Guryaha ammaanka ee dhibanaha loo gaystay rabshadaha qoyska

Guryaha ammaanku waxa ay caawiyaan dhibanaha loo gaystay ama ka cabsi qaba rabshadaha qoysaska dhexdooda. Maalin walba iyo saacad kastaba waad iman kartaa guryaha ammaanka. Looma baahna in xafiis uu guryaha ammaanka kuu soo diro, adiga ayaa si toos ah iskaa ugu iman kara. Waxa aad toos ula soo hadli kartaa guriga ammaanka ama looma baahna in aad soo hadasho ee si toos ahba u kaalay guryaha ammaanka. Meel kasta oo uu ku yaalna waad tegi kartaa.

Xiriirka guryaha ammaanka

Shaqaalaha guryaha ammaanka waxa loo tobobaray in ay wax u qaban karaan dadka la soo kulmay rabshadaha qoysaska. Guriga ammaanka waad iman kartaa kaligaa ama adiga iyo caruurtaba. Dadka waawayn iyo caruurtaba waa lagu caawiyaa guryaha ammaanka. Waxa uu guri ammaanku ku siinayaa qol, raashin, gogol iyo alaabaha laysku nadiifiyo oo dhan. Guriga ammaanka waxa loo ogol yahay, in ay turjubaan isticmaalaan marka ay adiga ku caawinayaan.

Guryaha ammaanka

  • way furan yihiin 24/7
  • waa bilaa lacag
  • Dadka rabshadaha qoysaska la kulmay ama ka cabsi qaba in dhib loo gaysto, Qof da’ kasta ah, nin iyo naagba waa loo ogol yahay in ay imaadaan.
  • Guryaha ammaanku waa kuwo magangeliyo leh oo taageer, caawin iyo taloba aad ka helayso.